Wasiir Cawad & danjire Mehmet Yilmaz oo ka wada hadlay labo qodob (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada nacfi wadaagga, gaar ahaan is-weydaarsiga ganacsiga iyo ballaarinta mashaariicda maalgeshiga.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ay ku naaloonayaan xiriir taariikheed qotodheer, fariidna ah, laguna garto kobaca hallaasiga ah ee gaarka ah ee sarreeya ee ku dhisan wadatashi, iskaashi iyo booqasho isdhaafsiga heerarka kala duwan leh.

Turkiga ayaa Somalia ka wada mashaariic fara badan oo dib u dhis ah, isagoo dowlada Somalia ka taageera dhinacyada amniga, tababarka ciidamada xoogga dalka, dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -